Norway: Dariiqo diimeed qarka u saaran in laga goosto taageerada dhaqaale ee dowlada.

0
92
Kjell Ingolf Ropstad: wasiirka qoyska iyo caruurta. Foto: Twitter

Warbixin uu qoray wargeyska Vårtland, ayaa lagu sheegay in xubnaha katirsan dariiqada Jehovas vitner aysan yeelan karin fikir siyaasadeed, sidaas darteedna aysan ka qeybqaadan karin codbixinta doorashada.

Xubnaha katirsan dariiqadaas ayaa ku qasban inay dariiqada isaga baxaan ama laga saaro, hadii ay ka qeybqaataan codbixinta doorashooyinka siyaasadeed.

Kala xiriir 45970353 ama booqo webkooda(Riix sawirka ama qoraalkan)

Kjell Ingolf Ropstad oo wasiirka diimaha dowlada Norway ayaa maanta sheegay in dariiqadaas ay lumin karto taageerada dhaqaale ee dowlada, hadii uu sax yahay warka uu wargeyska Vårtland qoray.

Wasiirka ayaa sheegay in ka qeybqaadashada doorashada ay kamid tahay xuquuqaha asaasiga ah ee bulshooyinka kunool wadamada Dimuqraadiga ah. Sidaas darteed hadii dariiqadaas ay dadka u diido inay codeeyaan, ay sabab u noqon karto in laga joojiyo taageerada dhaqaale ee dowlada.

Wuxuuna ugu baaqay inay arintaas wax ka badalaan, hadii kale ay lumin karaan taageerada dhaqaale ee dowladu ay sanad walba ku kabto firqo diimeedkaas.

Dag-Erik Kristoffersen oo ah afhayeenka dariiqada Jehovas vitner ee Scandenivanka ayaa sheegay in qofku uu dooran karo inuu codeeyo, iyo inkale. Balse hadii uu doorto inuu codeeyo uu luminayo xubinamada dariiqada.

Xigasho/kilde: Jehovas vitner risikerer å miste statsstøtte

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments