Maxamed Rafiiq: 65-jirkii ka hortagay ninkii rabay inuu masaajidka dilka ka geysto.

0
171
Maxamed Rafiiq: 65-jirkii ka hortagay ninkii masaajidka weerarka ku qaaday.

Maxamed Rafiiq oo ah oday 65 jir asal ahaan reer Pakistan ah ayaa shaley noqday halyeey naftii hure ah oo badbaadiyay noloshiisa iyo nolosha dadka kale ee kugnaa masaajidkii la weeraray ee Bærum.

Maxamed oo xiliga masaajidka weerarka lagu qaaday quraan ku akhrisanayay gudaha masaajidka, ayaa ku dhiiraday inuu ka hortago 21-jirka Norwiijiga ah ee masaajidka soo weeraray. Wuxuuna ku guuleystay inuu lagdo oo dhulka uu dhigo, kahor inta aysan u imaan dadka kale ee ka caawiyay inay xirxiraan, booliskana ku simaan.

Kala xiriir 45970353 ama booqo webkooda(Riix sawirka ama qoraalkan)

21-jirka masaajidka weeraray ayaa ku hubeysnaa ugu yaraan labo qori, wuxuuna qabay jaakada aan xabada karin iyo koofiyada bir ka sameysan, isaga oo ku talagalsanaa inuu laayo nolosha dad badan oo muslimiin ah.

Reysulwasaaraha Norway ayaa Maxamed Rafiiq ku tilmaantay halyeey badbaadiyay nolosha dad badan, waxeyna ku amaantay geesinimada iyo dhiiranaantiisa.

Maxamed Rafiiq ayaa waxaa soo gaaray dhaawac isha ah, kadib markii ninkii masaajidka soo weeraray uu isha farta ka galiyay, isaga oo isku dayay inuu ka baxsado lagdinta odeyga 65-jirka ah.

Xigasho/kilde: Mohamed Rafiq (65) stoppet den siktede under moskéskytingen i Bærum. 

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments