Maxamed iyo Shuceyb: Labo kamid ah musharaxiinta maamulka degmooyinka Oslo ee sanadkan.

0
105
Foto: Shuceyb iyo Maxamed

Sagaalka bisha September, waxaa Norway ka dhici doono doorashada golayaasha deegaanka iyo dowladaha hoose oo sanadkan ah mid xiiso gooni ah leh, aadna loo wada sugayo.

Magaalada Oslo, waxaa sanadkan golaha deegaanka u sharaxan 4 qof oo soomaali ah, kuwaas oo ka kala tirsan xisbiyada SV iyo Ap. Halkan kasii akhri afarta qof.

Maamulka degmooyinka iyo xaafadaha:

Marka laga soo tago maamulka guud ee magaalada, waxaa afartii sanaba mar la doortaa maamulada xaafadaha magaalada Oslo, kaas oo xisbiyadu ay si lamid ah golaha deegaanka ugu tartamaan. Waxaana sanadkan kamid noqoshada maamulada xaafada Oslo u sharaxan tobanaan qof oo soomaali ah.

Waxaa musharaxiintaas kamid ah Maxamed A. Maxamuud oo ah wiil dhalinyaro soomaali ah oo ka sharaxan xaafada ay soomaalidu ay ku badantahay ee Gamle Oslo.

Maxamed ayaa sheegay inuu isku sharaxay, sababtoo ah wuxuu ku mashquulsanyahay, waxna rabaa inuu ka badalo ama saameyn ku yeesho waxyaabaha ka dhacaya xaafada Gamle ee soomaalidu ay ku xoogantahay.

Maxamed ayaa kujiro booka 14-aad ee musharaxiinta degmada Gamle Oslo ee Oslo.

Dadka kale ee sanadkan u sharaxan maamulada xaafadaha Oslo, waxaa kamid ah Shuceyb Yaasiin Maxamed oo ka sharaxan xaafada Stovner.

Shuceyb oo kamid ah dadka aadka uga shaqeeyo arrimaha bulshada ee xaafada, gaar ahaan dhalinyarada ayaa kujiro booska 20-aad ee musharaxiinta degmada Stovner ee Oslo.

Maamulka hoose ee xaafadaha ayaa awood ahaan iyo saameyn ahaanba mararka qaar ka awood badan maamulka guud ee degmada. Sababtoo waxey maamulaan, waxna ka go´aamiyaan arrimaha hoose ee xaafada. Waxeyn saameyn toos ah ku leeyihiin nolosha lokalka ah ee dadka xaafada kunool.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments