Mareykanka oo Sweden ka dalbaday in Hotell la dajiyo, xabsigana laga saaro fanaan ay maxkamad ku socoto.

0
86
Trump ayaa horey u codsaday in fanaankaas xabsiga laga sii daayo.

Waxaa maanta maxkamada Stocklom ka socoto dhageysigii sadexaad ee maxkamada ka dhanka ah fanaanka Asap Rocky oo ku eedeysan inuu qeyb ka ahaa jirdil loo geystay wiil dhalinyaro reer Afgaanistaan ah.

Fanaanka iyo labo qof oo kale ayaa xabsiga ku xirnaa ilaa dhamaadka bishii Juni, iyaga maxkamad sugayaal ahaa.

Sida uu qoray wargeyska Expressen, safaarada Mareykanka ee Sweden ayaa warqad ay u qortay garyaqaanka guud ee Sweden ku codsatay in hotell la dajiyo fanaanka Asap Rocky iyo saaxiibadiis.

Kala xiriir 45970353 ama booqo webkooda(Riix sawirka ama qoraalkan)

Safaarada ayaa codsatay in fanaanka xabsiga laga bixiyo, lana dajiyo hotell inta uu kiiskiisa dhinac u dhacayo.

Sida uu qoray wargeysku, Garyaqaanka guud ee Sweden ayaa diiday codsiga safaarada. Waxaana safaarada loo sheegay in nidaamka Cadaalada Sweden uusan qaabkaas u shaqeyn.

Garyaqaanka ayaa sheegay in maxkamadu ay tahay mida go´aanka ka gaareyso kiiska sadexdaas qof iyo waliba meesha la dajinayo.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa marar badan horey u codsaday in xabsiga laga sii dato fanaanka, isaga oo dowlada Sweden ku eedeeyay inaysan Sweden u abaalgudin Mareykanka oo wax badan u qabatay.

Trump ayaa sidoo kale sarkaal katirsan wasaarada arrimaha dibadda, qaabilsana soo furashada dadka la afduubtay usoo diray Sweden, si uu qeyb uga noqdo teamka difaacayo fanaanka.

Xigasho/kilde: USA krever at Asap Rocky får bo på hotell i stedet for fengsel.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments