Madaxweyne Farmaajo oo dib u celiyey jinsiyaddiisii Mareykanka.

0
172
MD Farmaajo iyo RW Kheyre

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dib u celiyey jinsiyadda uu ka haystay dalka Mareykanka, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay madaxtooyada Soomaaliya.

Qoraal kasoo baxay Villa Somalia ayaa lagu yiri

“Hawshani waa mid soo socotay in muddo ah oo ay ku hawlanaayeen sharciyaqaanno iyo xafiisyada qaabilsan jinsiyadaha ee Soomaaliya iyo Mareykanka.”

“Madaxweyne Farmaajo wuxuu ku noolaa dalka Mareykanka muddo dheer isaga oo ka kororsaday aqoon iyo khibrado shaqo oo kala duwan, wuxuuna Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ka noqdoy Ra’iisul Wasaare sanadkii 2010.”

Kala xiriir 45970353 ama booqo webkooda(Riix sawirka ama qoraalkan)

Qoraalka Villa Somalia ayaa lagu sheegay in madaxweynaha uu markii la doortay ka dib, si iskiis ah u bilaabay qorshaha celinta baasaboorka labaad ee Mareykanka ah, taas oo maanta soo idlaatay.

Dastuurka Kumeel-gaarka ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa oggolaanaya in muwaadinka Soomaaliyeed uu qaadan karo jinsiyad kale.

Reysulwasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre ayaa heysta Dhalashada dalkan Norway. Isaga oo dalkan Norway yimid dhamaadka 1980-kii.

Lama ogo in ka noqoshada Madaxweyne Farmaajo ay tahay mid isaga ku kooban, iyo mid dastuuri noqon doonto, maadaama uu wali qabyo qoraal yahay dastuurka dowlada Soomaaliya.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments