Lacagta laga qaado dadka dacwooyinka qoyska xareeyo oo 17-jibaar kor u kacday.

0
125

Sida uu qoray wargeyska Vårtland, Lacagta laga qaado dadka raba inay xareystaan codsiyada dacwooyinka qoysaska la isku keenayo, ayaa 15-kii sano ee ugu danbeeyay kor u kacday wax badan 17 jibaar.

Qofkii raba inuu xareeyo dacwada qoyska, ayaa waxaa maanta laga qaadaa 10.500 kr, halka sanadkii 2002 lacagtaas ay aheyd 600 kr. Norway ayaana ah meesha ugu qaalisan ee aduunka qof dacwo looga xareeyo.

Wadanka Sweden oo Norway dariska la ah, waxaa dadka raba inay qoyskooda u dacwoodaan laga qaadaa 1500 oo kr oo Swedish ah, una dhiganta qiyaastii 1400 kr oo Norwiiji ah.

Lix bilood gudahood:

Sida uu wargeyska Vårtland u sheegay Jakob Røen Mohus oo katirsan ururka Juss-buss, dad badan oo qoxooti ah oo wadanka ku cusub, ayaa dhibaato ku qaba lacagta tirada badan, marka rabaan inay qoyskooda u dacwoodaan.

Qofka qoxootiga ah ayaa xaq u leh inuu qoyskiisa u dacwoodo lixda bilood ee ugu horeyso, marka magangalyada loo ogolaado kadib. Waxeyna dad badan sheegeen inay awoodin inay lix bilood gudahood ku helaan 10.500 kr, sidaas darteed ay ku qasbanyihiin inay qaataan kaararka deynta ee Bangiyada ama ay ka shaqeeyaan suuqa madow.

Ururka qaramada midoobay u qaabilsan qoxootiga, ayaa horay Norway ugu eedeeyay inay adkeyso xeerarka dadka raba inay qoysaskooda u dacwoodaan. Halka sharci ahaan ay aheyd, inay fududeeyaan.

Xigasho/kilde: Gebyret for familiegjenforening er mer enn 17 ganger høyere enn i 2002

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments