tirsdag, mars 19, 2024

Labadii oday ee ka hortagay weerarkii masaajidka oo maamuus loo sameeyay.

Taliyaha booliska magaalada Oslo, Beate Gangås, iyo duqa magaalada Bærum Lisbeth Hammer Krog ayaa maanta maamuus sharafeed u sameeyay labadii oday ee ka hortagtay weerarkii lagu qaaday masaajidka Al Noor ee Bærum.

Maxamed Rafiiq iyo Maxamed Iqbal ayaa lagu amaanay sida geesinimada leh oo ay uga hortageen ninkii isku dayay inuu masaajidka ka geysto dilka.

Maxamed Rafiiq ayaa ahaa qofkii ka hortagay, isla markaana isku duubay, lagdeyna 21-jirkii hubeysnaa ee masaajidka soo galay, halka Maxamed Iqbal uu gacan ka geystay in ninkaas laga hortago.

Duqa magaalada Bærum ayaa labadan aday ku tilmaantay halyeeyo, iyada oo raacisay in bulshadu ay u baahantahay dad labadaas oday oo kale ah.

Xigasho/kilde: Heltene fra moskeen ble hedret av politisjefen

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x