København: Qarax ka dhashay weerar xalay lagu qaaday xarunta hey´adda canshuuraha.

0
102

Xalay fiidnimadii waxaa qarax weyn uu ka dhacay xarunta hey´addaha canshuuraha dalka Denmark ee magaalada caasimada ah ee København.

Sida ay boolisku xaqiijiyeen waxaa qaraxan ku dhaawacmay hal qof, halka xiliga uu qaraxan dhacay ay gudaha xarunta ku sugnaayeen dhowr qof oo u badnaa ilaalada xarunta hey´adda canshuuraha.

Kala xiriir 45970353 ama booqo webkooda(Riix sawirka ama qoraalkan)

Booliska magaalada København ayaa war ay saaka soo saareen ku xaqiijiyay in qaraxaas uu ahaa mid weerar ah oo xarunta lagu qaaday, waxeyna sheegeen inay hayaan cadeymo arintaas xaqiijin kara.

Waxeyna boolisku sheegeen inay wali wadaan baaritaanka dhacdadan, ayna sii baari doono sida uu qaraxan ku dhacay iyo cida ka danbeysay.

Xigasho/kilde: Københavnspolitiet bekrefter at de mener eksplosjonen i Skattestyrelsen på Østerbro var et angrep.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments