fredag, april 19, 2024

Iran: Waxaan Norway uga digeynaa inay USA daba-raac u noqdaan.

Isbuucii lasoo dhaafay waxaa Norway booqasho ku joogay wasiirka Arrimaha dibadda dalka Iiraan Javad Zarif iyo wafdi culus oo uu hogaaminayay. Waxeyna wafdigan Norway kahor, safaro kusoo mareen dhowr dal oo kale oo Yurub ah.

Javad oo shirar la galay wasiirada dhigiisa ah ee Norway, ayaa dowlada Norway uga digay halista ka imaan karta hanjabaada ee daan-daansiga uu sheegay in dowladiisu ay kala kulanto madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump.

Wuxuuna sheegay in Trump uu caalamka ka abuuri karo dagaal aan la saadaalin karin cawaaqibta ka dhalan karto.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ayaa wargeyska DN u sheegay in waqti aan dheereyn uu Donald Trump iyo kooxda dabadda ka riixeyso, ay kusoo jeedsan doonaan dowladaha kale ee Yurub. Ayna ku qasbi doonaan inay mar walba Mareykanka qalad iyo saxba taageeraan.

Booqashada iyo hadalka wasiirka ayaa kusoo aadeyso, xili Mareykanku uu Norway ka codsaday inay ciidan u diraan gacanta Hurmuz ee Iiraan xuduuda la leh. Norway Ayaan wali ka jawaabin codsigaas Mareykanka uga yimid, inkasta oo ay u badantahay inay yeeli doonaan.

Wasiirka ayaa sheegay:

Norway uma sheegayo inay kala doortaan Iiraan iyo Mareykanka, balse waxaan u sheegayaa inay kala doortaan Norway iyo Mareykanka. Sababtoo ah Mareykanku wuxuu rabaa inuu dalalka kale ku qasbo inay jabiyaan xeerarka caalamiga ah ee dalalka aduunku ay ku dhaqmaan.

Xigasho/kilde: Ikke la USA bølle dere til å bryte internasjonal rett

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x