Haweenay qoraal ku sheegtay in masaajid la qarxiyo oo xabsi iyo ganaax lagu xukumay.

0
154
Illustrasjonsfoto: Glennstangeland/Wikimedia Commons.

Maxkamada Nord-Troms ee magaalada Tromsø ayaa haweenay magaaladaas kasoo jeedo ku xukuntay 21 maalin oo xabsi shuruudeysan ah, iyo 10.000 kr oo ganaax ah. Kadib markii lagu helay danbi ah inay qoraal naceyb ah ku qortay barta Facebooga.

Haweenaydan oo 65 sano jir ah ayaa qoraal «kommenti ah» oo ay Facebooga ku qortay ku sheegtay in Bambo lagu xiro, lana qarxiyo masaajid, iyada oo fikir ka dhiibaneysay qoraal ku saabsan masaajid kuyaal magaalada Stavanger.

Haweeneydan oo qiratay danbiga lagu soo eedeeyay, ayaa sidoo kale lagu xukumay inay bixiso kiiska ku baxay maxkamada oo dhan 3000 nok.

Xigasho/kilde: En kvinne fra Tromsø er i Nord-Troms tingrett dømt for hatefulle ytringer etter å ha skrevet at en moské burde bombes.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments