Geerida wiil 8 jir Ah oo birta tareenka lagu tuuray oo dab ku shiday siyaasada qoxootiga Germany.

0
138

Bilowgii isbuucan, nin u dhashay dalka Ereteriya ayaa birta uu maro tareenka magaalada Frankfurt ku tuuray wiil sideed sano jir ah iyo hooyadii.

Waxaana uu tareenku jiiray wiilka sideed sano jirka ah oo geeriyooday, halka hooyadii uu dhaawac soo gaaray balse ay ka badbaaday shilkaas.

Booliska ayaa ninkan u dhashay Ereteriya oo 40 sano jir ah ku tilmaamay inuu yahay qof maskax ahaan u xanuunsan. Wuxuuna tobankii sano ee ugu danbeeyay kunoolaa dalka Switzerland.

Kala xiriir 45970353 ama booqo webkooda(Riix sawirka ama qoraalkan)

Waxeyna boolisku xaqiijiyeen in ninkan uu fasax caafimaad ka qaatay shaqada bishii January ee sanadkan, isaga oo ay ku socotay daaweyn dhanka xanuun maskaxda ah.

Kahor inta uusan dilin wiilka sideedka sano jira ah, ayaa la sheegay inuu u hanjabay xubno katirsan qoyskiisa iyo waliba dariska. Waxaana la sheegay in Boolisku ku raadjoogeen kahor inta uusan falkan argagaxa leh geysan.

Siyaasiyiin si qaldan uga faa´iideysatay:

Kadib markii la ogaaday in ninka falkan geystay uu ahaa qof soo galooti ah, waxaa cirka isku shareertay dood la xiriirta qoxootiga tirada badan ee sanidihii ugu danbeeyay soo galay dalka Germany.

Waxaana falkaas si foolxun uga faa´iideystay siyaasiyiinta xisbiyada garabka fog, iyaga oo sheegay in khatar ay ku suganyhiin muwaadiniinta u dhashay Germany. Maadaama aan la ogeyn caafimaadka maskaxeed ee malyanka qof ee dalkaas oo galay dhowrkii sano ee ugu danbeeyay.

Wasiirka arrimaha gudaha Germany, ayaa siyaasiyiinta garabka midig ee xagjirka ah ugu baaqay inaan la siyaasadeyn geerida wiilka sideed sano jirka ah. Aana looga faa´iideysan si qaldan.

Waxaa baraha bulshada iyo warbaahinta dalkaas ka socoto dood xoogan oo ku saabsan dhacdadaas, iyo sida qaldan ee looga faa´iideystay.

Xigasho/kilde: Ytre høyre blir kritisert for å utnytte drapet på en åtteåring politisk.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments