Fanaankii uu Trump Sweden ku canaantay oo la xukumay.

0
77
Trump ayaa horey u codsaday in fanaankaas xabsiga laga sii daayo.

Asap Rocky iyo labada nin ee kale ee ku eedeysanaa iney jirdil u geysteen wiil 19 jir ah ayaa lagu xukumay xukun shuruudeysan(Betinget).

Mid ka mida arrimaha muhiimka ah ee maxkamaddu ay qiimeysay kiiskan ayaa ahaa in eedeysanayaashu uu ahaa qof is difaaciyo, kadib markii ay iska hor yimaadeen ninka 19-jirka ee dhibanaha ah. Maxkamadda ayaan u arag iney arrinta is difaac aheyd.

Dhibanaha 19-jirka ah ayey maxkamaddu u xukuntay magdhow 10 000 karoon ah oo loogu tala galay meel ka dhaca loo geystay kaa soo ka yar lacagta uu isagu doonayey oo aheyd 139 700 karoon. Dhibanaha ayaa sidoo kale heleya lacag 2 500 karoon oo ah kharashka uga baxay dhaqtarka uu galay.

Sida laga soo xigtay qareenka difaaca Asap Rocky, Slobodan Jovicic kuma tala jiro fanaanku inuu racfaan ka qaato xukunka ku dhacay.

Kiiska fanaankan ayaa abuuray xiisad diblomaasiyadeed, kadib markii uu si toos ah usoo dhexgalay madaxweynaha Mareykanka, isaga oo Sweden si toos ah uga codsaday in fanaankaas xabsiga laga sii daayo.

Sweden ayaa dhankeeda ku adkeysatay in sharciga loo simanyahay, Isla Markaata fanaankaas ay kiiskiisa go´aan ka gaarayaan hey´addaha cadaalada.

Xigasho/kilde: SverigesRadio

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments