tirsdag, april 23, 2024

Denmark: Qaraxii labaad oo isbuuc gudahiis ka dhacay København.

Booliska magaalada caasimada dalka Denmark ee København, ayaa saaka xaqiijiyay in xaley afartii habeenimo qarax lala beegsaday saldhiga booliska Xaafada Nørrebro ee magaaladaas.

Qaraxan ayaa ah kii labaad oo ka dhaca København isbuuc gudahiis, iyada oo maalmo kahor qarax lala beegsaday xafiiska canshuuraha magaaladaas.

Booliska ayaa sheegay inay ku raadjoogaan shaqsi ay qabteen kaamirooyinka saldhiga booliska, kaas oo looga shakisanyahay inuu lug ku lahaa qaraxa.

Ma aysan sheegin wax qasaare ah oo uu geystay qaraxan ama wax xiriir ah oo kala dhaxeeyo qarixii isbuuc kahor ka dhacay xafiiska canshuuraha.

Xigasho/kilde: Dansk politi: For tidlig å si om det er sammenheng mellom eksplosjonene i København

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x