Booliska Sweden oo dhacdadii Bærum kadib kordhiyay ilaalada masaajida.

0
84
Booliska Sweden

Booliska magaaladda Stockholm ayaa kordhiyay ilaalada misaajidada magaaladda Stockholm, gaar ahaan xaflada ciidii shaley, kadib dhacdadii lagu weeraray masaajidka Bærum ee Norway.

Olof Ahlund, oo ah taliye boolis oo ka tirsan bileyska Stockholm oo la hadlay TV 4 ayaa sheegay in dadka tegaya misaajidada ay u baahan yihiin in ay dareemaan nabad gelyo iyo ammaan.

Tahir Akan, oo ah guddoomiyaha ururka Muslimiinta ee Sweden ayaa sheegay in isaga iyo muslimiinta kale ay wel wel ku abuurtay dhacada misaajidka lagu weerary ee dalka Norway.
 
Wiil 21 jir ah ayaa geystay weerarka misaajidka Norway. Wararka la helayo ayaa sheegaya in wiilka imminka lagu tuhmayo in weerarka uu geystay uu yahay dil iyo aragagixisanimo.

Weerarka misaajidka ayaa waxaa ku dhaawacmay nin jameecadda misaajidka ka tirsan oo ka hortegay wiilka labaatan jirka ah ee soo weeraray misaajidka.

Xigasho/kilde: SverigesRadio

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments