Booliska oo helay muuqaal uu duubay ninkii weerarka geystay.

0
155
Foto: NRK/SKJERMDUmp

Booliska Oslo ayaa shir jaraa´id oo ay qabteen ku sheegay inay gacanta ku dhigeen muuqaal uu duubay Philip Manshaus oo ah ninkii ka danbeeyay weerarka masaajidka lagu qaaday.

Waxeyna boolisku sheegeen in muuqaalkan lagu duubay Kaamiro nooca Go-Proga ah ah, taas oo aheyd mid ugu xirneyd madaxa koofiyada uu Philip xirnaa.

Kala xiriir 45970353 ama booqo webkooda(Riix sawirka ama qoraalkan)

Dhanka kale hey´adda nabbad sugida Norway ee PST-da ayaa sheegtay in sanadkii hore ay heshay macluumaad ku saabsan ninka weerarka geystay. Waxeyna sheegeen in warbixinta digniinta ninkaas ay u direen waaxda booliska Oslo.

Booliska Oslo ayaa dhankooda qirtay in xiligaas aysan waxbo ka qaban karin digniinta lala wadaagay, maadaama aysan jirin sabab muuqato oo ay howlgal ku sameeyaan.

PST-da iyo booliska Norway ayaa lagu dhaleeceeyay inaysan marar qaar si dhab uga howlgalin fariimaha la xiriira khataraha ka imaan kara weerarada ay geystaan kooxaha xagjirka midigta fog ah.

Xigasho/kilde: Politiet har videoopptak som Manshaus tok i moskeen

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments