Booliska Norway oo loogu baaqay inay xirtaan «Kaamiro» ku xiran dharkooda.

0
140
FOTO: POLITIET

Isbuucii hore, dhalinyaro badan oo u badan kuwa ay waalidkood soo galooti yihiin ayaa soo gudbiyay warbixino sheegaya in si xun oo arxan daro ah ay ula dhaqmeen booliska Oslo.

Waxaana baraha bulshada wareegayay muuqaalo muujinaya booliska Oslo oo ulo ku garaacaya dhowr dhalinyaro, arintaas oo abuurtay dood xoogan.

Dhalinyarada ayaa sheegay in boolisku ay sabab la´aan saf galiyeen dhalinyarada, isla markaana ay qaarkood la kulmeen tacadi jir ahaaneed.

Kala xiriir 45970353 ama booqo webkooda(Riix sawirka kore ama qoraalkan)

Booliska ayaa dhankooda sheegay in dhalinyaradaas ay diideen amarkooda, isla markaana ay u dhaqmeen qaab xushmad la´aan ku ah booliska iyo shaqadooda.

Muran arintaas ayaa maalmahan ka socday warbaahinta Norway, gaar ahaan kuwa Oslo.

Jan Bøhler: Boolisku kamero ha qaataan :

Jan Bøhler oo ah xildhibaan katirsan xisbiga Ap, ayaa soo jeediyay in boolisku ay qaataan Kaamirada ku xiran dharka(uniformka) booliska, si ay u duubto waxyaabaha ay boolisku qabanayaan. Loogana hortago muran ku saabsan shaqada booliska iyo qaabka ay wax u dhaceen.

Bøhler ayaa sheegay in muuqaalada ay duubto Kamerada ay cadeyn noqon karaan, hadii uu imaado muran ku saabsan qaabka ay wax u dhaceen.

Wasiirka Cadaalada: Ma fududa

Wasiirka cadaalada dowlada Norway, Jøran Kallmyr ayaa ka dhawaajiyay inay fiirin doonaan suurtogalnimada arintaas, balse wuxuu raaciyay ineysan aheyn mid fudud, hadii la rabo in si joogto ah loo dhaqangaliyo.

Horey ayay booliska Oslo tijaabo ahaan u qaateen Kamerada ku iran dharkooda, waxaana ay boolisku sheegeen inay heleen khibrad iyo jawaabo wanaagsan oo arintaas la xiriira.

Xigasho/kilde: Mener politiet må få kroppskamera

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments