Booliska: Labo sabab midkood ayuu Philip u dilay walaashiis.

0
103
Foto: Skjermdump/NRK

Booliska Oslo ayaa wali wada baaritaanka ku aadin dilkii uu walaashiis u geystay Philip Manshaus oo ahaa ninkii isku dayay inuu weerarka ka geysto masaajidka Al Noor ee Bærum.

Booliska ayaa sheegay in baaritaankooda uu sheegayo in Philiph uu walaashiis u dilay labo sababood midkood: Inay ogaatay qorshihiisa, uuna ka cabsaday inay booliska wargaliso ama inuu u dilay cunsurinimo darteed, maadaama ay midab ahaan ka duwaneyd.

Johanne Ihle-Hansen oo aheyd gabadha la dilay ayaa asal ahaan kasoo jeedo dalka Shiinaha, waxaana soo korsaday aabaha ninka masaajidka weeraray. Waxeyna labadoodu ku wada noolaayeen guriga meydkeeda laga helay.

Booliska ayaa dhanka kale sheegay in dilka uu dhacay waxyar kahor inta uusan Philip soo aadin masaajidka, si uu weerarka u geysto.

Waxeyna dhanka kale sheegeen in ugu yaraan 50 qof oo katirsan laamaha kala duwan ee booliska Norway ay kiiskan si joogto uga shaqeynayaan.

Xigasho/kilde: Politiet har to hovedteorier om Manshaus’ drapsmotiv

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments