Bærum: Qof masaajid dhexdiisa lagu dhaawacay.

0
85

Booliska Oslo ayaa qoraal ay soo dhigeen bartooda Twitterka ku sheegay in hal qof lagu dhaawacay gudaha masaajidka Al-Noor Islamic senter ee magaalada Bærum.

Dadka dariska la ah masaajidka iyo goobjoogayaasha ayaa warbaahinta u xaqiijiyay inay masaajidka dhexdiisa ka maqleen dhawaqa xabaddaha qofka lagu dhaawacay.

Boolisku ayaa bartooda Twitterka kusoo qoray daqiiqad kahor inay gacanta ku dhigeen qofkii falkaas ka danbeeyay, oo ay ku sheegeen nin dhalinyaro Cadaan ah.

Irfan Mushtaq oo ah madaxa masaajidka ayaa wargeyska Lokalka ah ee Budstikka u sheegay in mid kamid ah xubnaha masaajidka uu dhaawac u geystay nin cadaan ah oo xirnaa uniform, isla markaana qabay koofiyad bir ah.

Wixii wararka kusoo kordha dhacdadan dib Ayaan kasoo galin doonaa.

Xigasho/kilde: Skyteepisode i moské i Bærum

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments