torsdag, april 25, 2024

Bærum: Ilaa hada maxaa laga ogyahay dhacdadii masaajidka lagu weeraray.

Booliska Oslo ayaa daqiiqado kahor soo gaba-gabeeyay shir jaraaíd oo ay saxaafada iyo dadweynaha kula wadaagayeen macluumaadka ay ilaa hada ka hayaan dhacdadii galabta lagu weeraray masaajidka AlNoor Islamic Senter ee magaalada Bærum.

Booliska ayaa sheegay inay xabsiga dhigeen nin dhalinyaro cadaan Norwiiji ah, kaas oo ay ka qabteen masaajidka gudahiisa. Waxeyna boolisku sheegeen in ninkan ay soo garen dhaawacyo fudud, Hadana lagu daaweynayo isbitaalka booliska, kahor inta aan la wareysna.

Ninkan falka geystay ayay boolisku sheegeen inuu degenaa agagaarka masaajidka, uuna ahaa qof ay horey boolisku xiriir ula yeesheen.

Booliska ayaa dhanka kale cadeeyay in dadka ku sugnaa masaajidka ay Isugu tageen, Isla Markaana ay xirxireen ninka oo markaas ku hubeysnaa dhowr qori oo kala duwan.

Xiliga uu falkan dhacay ayaa ku aadaneyd salaada Casar kadib, waxaana xiligaas masaajidka ku sugnaa dad kooban oo quraan masaajidka dhexdiisa ku akhrisanayay.

Booliska ayaa dhanka kale sheegay inaysan jirin cid kale oo la tuhunsanyahay inay ninkan falka kala qeybqaadatay. Waxeyna sheegeen inay adkeyn doonaa amaanka masaajidka weerarka loo geystay.

Booliska ayaa sidoo kale sheegay in maalinta beri ah oo ku aadan cimda aysan jirin wax macluumaad ah oo ay hayaan, kuwaas oo cabsi galin kara in dadku ay ku tukadaan masaajida.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x