Bærum: Dhaxal sugaha boqorka Norway oo booqday masaajidkii la weeraray

0
202
Gudoomiyaha dalada ururada muslimiinta Norway: Cabdiraxmaan Diiriye.

Dhaxalsugaha boqortooyada Norway, Haakon Magnus ayaa maanta booqasho ku tagay masaajidkii 10-kii bishan la weeraray ee AlNoor Islamic Senter.

Dhaxalsugaha ayaa waxaa booqashadiisa ku weheliyay Duqa magaalada Bærum, Lisbeth Hammer Krog iyo gudoomiyaha dalada ururada dalada islaamiga ah ee Norway, Cabdiraxmaan Diiriye.

Dhaxalsuge Haakon ayaa sheegay inuu rabay in dareenkiisa iyo kan qoyska boqortooyada uu la qeybsado maamulka iyo dadka ku xiran masaajidka. Isaga oo raaciyay inuu rabay inuu indhihiisa kusoo arko meeshii ay wax ka dhaceen, uuna la hadlo dadkii ay dhibaatada gaartay.

Wuxuuna booqashada kadib warbaahinta u sheegay inay dareen xoogan ku reebtay inuu soo arko halkii uu weerarka ka geystay ninkii rabay inuu masaajidka dadka ku xasuuqo.

Gudoomiyaha dalada ururada islaamiga ah, Cabdiraxmaan Diiriye ayaa dhaxalsugaha uga mahad celiyay booqashada masaajidka, iyo wada shaqeyntii ay la sameeyay maamulka masaajidka iyo kan dalada.

Xigasho/kilde: kronprins Haakon besøkte moské: – Å være til stede gjør veldig sterkt inntrykk

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments