Wasiirkii iscasilay ee Frp oo muujiyay damaca furashada xisbi cusub.

0
128
Foto: Youtube

Wasiirkii hore ee kaluumeysiga Norway, ahaana gudoomiye ku xigeenka xisbiga Frp, Per Sandberg ayaa wareysiyo uu bixiyay ku muujiyay damac ku aadan furashada xisbi cusub oo Frp midigta fog kasii xiga.

Sandberg ayaa sanadkii hore si qasab ah isaga casilay shaqada wasiirnimo, kadib markii ay kusoo baxday fadeexado la xiriira safar uu ku tagay Iran. Iyo haweenay u dhalatay dalka Iran oo uu saaxiib ka dhigtay.

Suleiman
XYS: Shirkada: Kiisaska la xiriira UDI-da, Barnevernka, Nav, shaqada iyo guryaha, waxaad xaq u leedahay qareen lacag la aan ah. Nala soo xiriir.

Per oo kamid ahaa siyaasiyiinta ugu codka dheer Frp, ayaa sidoo kale lagu qasbay inuu iska casilo xilka gudoomiye ku xigeenka xisbigaas, isaga oo wixii intaas ka danbeeyay aan siyaasada si fiican uga muuqan.

Waan soo noqon, anoo xoog badan:

Sandberg ayaa wareysiyo uu maalmihii tagay warbaahinta siiyay, ku cadeeyay inuusan is dhiibin wali. Ayna kujirto damac ah inuu siyaasada dib ugu soo noqdo.

Wuxuuna weerar afka ah ku qaaday xisbigiisa Frp oo uu sheegay inay kusoo uruureen labo kiis oo kala ah: Qoxooti iyo Bom-penger(jidgooyada lacagta ah).

Sandberg ayaa wareysiyada qaar ku muujiyay damac dhankiisa ah oo ku aadan in la furo xisbi cusub oo midigta fog ka xiga xisbiga Frp.

Xigasho/kilde: Per Sandberg hinter om overgang til et nytt parti.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments