Wasiirka isdhexgalka oo UDI-da ku amray inay dhalashada ka celiyaan nin argagaxiso loo xukumay, hadii uu buuxiyay shuruudaha.

0
150
Wadaadka Krekar.

Maxkamad ku taal dalka Talyaaniga ayaa isbuucii hore danbi la xiriira argagixiso u xukuntay nin dhawaan qaatay dhalashada Norway, kaas oo qaraabo ay yihiin wadaadka Mulla Krekar oo isna isku danbi loola xukumay(halkan kasii akhri)

Dowlada Talyaaniga ayaa dhawaan la filayaa inay soo codsato in loo soo gacangaliyo wadaadka Mulla Krekar, balse ninka kale ee heysta dhalashada Norway ayaan Talyaaniga loo dhiibi karin.

Ninkan oo afartameeyo jir ah ayaa sanadkii hore helay dhalashada Norway, isaga oo xiligaas ay ku socotay baarista la xiriirta kiiska argagaxisada.

Kala xiriir: 45970350 ama booqo webkooda(Riix sawirka).

Wasiirka isdhexgalka Norway, Jan Tore Sanner ayaa arintaas ka muujiyay caro xoogan, wuxuuna UDI-da ku amray inay soo siiyaan sharaxaad ku saabsan sababta ay ku dhacday in ninkaas oo baaritaan uu ku socday uu helo dhalashada Norway. Halkan kasii akhri

UDI-da ayaa dhankooda ku andacooday inaysan ka warqabin in ninkaas ay ku socotay baaris, xogna aysan ka helin hey´addaha amniga, sida PST-da(sirdoonka) iyo booliska. Waxeyna raaciyeen in ninkan uusan isaga sheegin in wax baaris ah ay ku socotay, ama uu galay danbi halis ku ah amniga qaranka.

Wasiirka ayaa jawaabta UDI-da kadib u diray amar cusub oo uu ku amrayo inay baaraan go´aanka ninkaas dhalashada Norway lagu siiyay, isaga oo sheegay inay ka celiyeen dhalashada hadii uu buuxiyay shuruudaha kala noqoshada.

Wasiirka ayaa hey´adda ku amray inay si fiican u fiiriyaan qodobka la xiriira in ninkaas uu khatar ku yahay amniga qaranka iyo nabadgalyada dadweynaha.

Arinta xiisaha kiiskan u yeeleyso ayaa ah in UDI-da aysan hada heysan wax awood ah oo ninkaas ay Dhalashada uga celin karaan, maadaama sanadkii 2017 uu baarlamaanku awoodaas u wareejiyay maxkamadaha.

Xigasho/kilde: Sanner endrer instruksen til UDI for å kunne trekke tilbake statsborgerskap.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments