USA oo Norway ka dalbatay inay ciidan u dirto gacanka Persia(Iran).

0
124

Dowlada Mareykanka ayaa ku dhawaaqday inay dhisi doonto ciidamo ilaaliyo amaanka maraakiibta mareysa gacanka Persia iyo Kanaalka Hurmuz ee xuduuda la leh Iiraan.

Mareykanka ayaa wadamo ay Norway kamid tahay ka codsaday inay ciidamo usoo diraan gacankaas.

Shirkad: Kiisaska la xiriira Barnevern-ka, UDI-da, nav, shaqada, waxaad xaq u lahaan kartaa qareen bilaash ah.

30% maraakiibta qaada saliida qeyriin ee shidaalka laga sameeyo ee caalamka, ayaa gacankaas u adeegsada si maalinle ah. Wuxuuna kamid yahay isku xirayaasha dhaqaale ee ugu muhiimsan wadamada galbeedka fog iyo bariga dhexe.

Arintan ayaa kusoo aadeyso, xili colaada ka dhaxeyso Iran iyo Mareykanka ay sii xoogeysaneyso maalinba maalinta ka danbeysa. Iyada oo hadalada kulul ee madaxda labadaas wadan ay hawada isku marinayaan ay sii huriyeen Xaafada cakiran ee labadaas wadan ka dhex aloosan.

Norway ayaa dhankeeda sheegtay inay heleen dalabka ka yimid Mareykanka, balse ay wali ka fiirsan doonaan fursadaha ay heystaan ee dalabkaas la xiriira, kahor inta aysan ka jawaabin.

Xigasho/kilde: Norge bedt om å bidra militært i Persiabukta

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments