USA: Maxkamad Trump ku xukuntay inuusan dad «Block» saari karin.

0
173

Maxkamadda federaalka, qeybteeda rafcaanka ee magaalada New York ayaa madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ku eedeysay inuu jabiyay sharciga xornimada hadalka iyo fikir dhiibashada dadka.

Maxkamada ayaa go’aan ka gaartay dacwad ay geeyeen 7 qof oo uu Trump ka xayiray(Block-gareeyay) in boggiisa ay mutaabaceeyaan.

Hadia dakhliga kusoo gala sanadkii uu ka yaryahay, 240.000 Nok, waxaad xaq u leedahay qareen bilaash ah. Nala soo xiriir

Xaakimka ayaa sheegay in mas’uuliyiinta aanan loo ogolayn in ay xayiraan dadka ka aragti duwan ee boggooda ku xiran.

Balse garyaqaanadii matalayay Trump ayaa ku dooday in ciwaanka madaxweynaha uu yahay mid gaar ah, islamarkaasna aysan qabanin shuruucda dalka u taala.

Garsooraha ayaa xukunkiisa u cuskaday xaqiiqda ah in Trump ciwaankiisa Twitter-ka uu u adeegsado in uu ku shaaciyo go’aanada dowladda ee saamayn kara muwaadhin kasta, sidaasi darteedna aysan sharci ahayn in qof laga xayiro.

Wasaaradda caddaalada Maraykanka ayaa sheegtay in ay ka niyad xuntahay xukunka, islamarkaasna ay hadda ka fiirsanayso tallaabooyinka xiga ee la qaadi karo.

Bishii May ee sannadkii hore maxkamad kale ayaa xukuntay in ciwaanka madaxweynaha ee @realDonaldTrump uu yahay mid dadweyne, oo uusan ahayn mid shaqsi leeyahay.

Xigasho/kilde: BBC-SOMALI

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments