onsdag, april 24, 2024

Tirada dadka isaga baxa kaniisada Norway oo kor usii kaceysa sanad walba.

Tirada dadka xubinimadooda kala baxa kaniisada Norway, ayaa kor usii kaceysa sanadba sanadka ka danbeeya. Lixdii bilood ee ugu horeysay sanadkan, waxaa kaniisada Norway kala baxay xubinimadooda 6411 qof.

Waxaa isla lixdii bilood ee ugu horeeyay sanadkan, kaniisada isla soo diiwaan galiyay 1437 qof.

Kaniisada ayaa sanadkii hore weyday xubinimada ilaa 16.000 qof oo Norway kunool. Waxeyna tirada dadka xubnaha ka ah kaniisada hoos u dhacday  214 000 qof, tan iyo sanadkii 2005.

Sanadkii tagay, waxaa kaniisada xubin ka ahaa 70% bulshada kunool Norway.

Xigasho/kilde: Stadig flere melder seg ut av kirken.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x