Sweden: Xeer ilaalinta oo dacwad kusoo oogtay fanaankii uu Trump dalbaday in lasii daayo.

0
181
Trump ayaa horey u codsaday in fanaankaas xabsiga laga sii daayo.

Fanaanka u dhashay dalka Mareykanka ee Asap Rocky iyo labo qof oo kale ayaa lagu soo oogay dacwad ah inay geysteen dambi gacan ka hadal, sida uu sheegay xafiiska xeer ilaalinta Sweden.

Dambiga lagu heysto heesaagan ayaa wuxuu soddonkii bishii Juun ka dhacay bartmaha magaaladda Stockholm, Waxaana waxii xilligaasi ka dambeeyayna fanaanka iyo labo qof oo kale oo ka tirsan shaqaalihiisa lagu hayay xabsi.

Maanta gelinka hore ayaa la hor geeynayaa maxkamada hor Mariska ah.

Xeer ilaalinta ayaa sidoo kale intaasi ku daray, inkastoo raggan uu horkacayo ASAP ay sheegeen in la daandaansaday oo ay iyaguna is dfiaaceen, in tahay maxkamada cida go´aan ka gaarto danbiga dhacay.

Sii heynta fanaanka Asap Rocky ayaa fal celin xoog badan ka dhalisay dalka Mareykanka.

Danjiraha Sweden ee dalka Mareykanka Karin Olofsdotter oo iyadu casumaad horay ugu fidisay ayaa shalay la kulantay dhowr xubnood oo ka tirsan aqalka koongareeska dalka mareykanka, kana mid ah xubnaha ugu cadcad ee u dooda xuquuqda daka madow iyo laatiinka, si ay wax uga ogeeysiiso, isla markaana ey su’aallo uga weydiiyaan  safiiradda xariga fanaanka.

Xigasho/kilde: Sveriges-radio-qeybta auka soomaaliga.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments