lørdag, april 20, 2024

Sweden: Qabiilo soomaali ah oo isku heysta maamulka masaajid.

Sida ay soo tabineyso laanta afka Soomaaliga ee BBC-da, masaajidka ay soomaalidu maamusho ee xaafadda Biskopsgården ee magaalada Gotoberg, ayaa qarka u saaran in albaabada loo xiro.

Waxaana mudooyinkii ugu danbeeyay soomaalida masaajidkaa xubnaha ka ah, ka dhex taagnaa muran ku saabsan qaabkii loo qeybsan karaa xubnaha gudiga maamulka.

Muranka ugu xoogan ee masaajidka ayaa la xiriira, sidii gudiga maamulka masaajidka loogu qeybsan karaa habka 4.5, oo ah nidaam ku dhisan heybraaca beelaha soomaalida. Waana nidaamka ay ku dhisantahay awood qeybsiga dowlada federaalka ah ee Soomaaliya.

Shirkada: Dhibaato xaga sharciga ah maku qabtaa Barnevernka, UDI-da, ama hey´addaha kale ee dowlada sida NAV. Nala soo xiriir, waxaad xaq u nahaan kartaa qareen lacag la aan ah.

Warbaahinta dalka Sweden ayaa sidoo kale maalmihii ugu danbeysay wax ka qoreysay khilaafka ka dhaxeeyo soomaalida masaajidkaas maamusho. Waxaana lasoo bandhigay sawirada booliska oo masaajidkaas sii galaya, si ay u damiyaan buuq ka jiray gudaha masaajidka.

Dowlada Sweden oo soo dhexgashay:

Khilaafka ayaa hada ka gudbay soomaalida is heysato, waxaana soo dhex galay maamulka degmada iyo ka gobolka.

Waaxda maamusha guryaha magaalada Gotherburg ayaa soo saartay warqad digniin ah oo ka digeyso in masaajidkaas albaada loo laabi doono, hadii dacwad danbe ay soo gaarto laamaha dowlada.

Khilaafka masaajidka ayaa soo socday afartii sano ee ugu danbeeyay, sida ay xaqiijiyeen dad u waramay BBC-soomaali.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x