fredag, mars 29, 2024

Sweden: Fanaankii uu Trump dalbaday in lasii daayo, oo maxkamad lasoo taagay.

Dhageysiga dacwada fanaanka Asap Rocky iyo labo qofk oo ka tirsan shaqaalihiisa ayaa maanta oo talaada ah dib uga ka furantay magaalada Stockholm.

Rocky iyo labadaasi ruux ayaa lagu eedeynayaa in ay jir dil u geysteyn wiil 19 sano jir ah asal ahaan kasoo jeedo dalka Afgaanistaan, kaas oo dalka Sweden qoxooti haan ku joogo.

Kala xiriir: 45970350 ama booqo webkooda(Riix sawirka ama qoraalkan)

Xeer ilaaliyaha ayaa soo bandhigay muuqaalo arinkaasi muujinaaya oo lagu qaadaay teleefon gaacmeedka iyo kaamirooyinka ilaalada waddooyinka, ayadoona sidoo kale la soo bandhigay sawirro muujinaya dhaawacyada wiilka 19 sano jirka ah loo geystay.

Dhageysiga dacwada ayaa sii socon doona saddex maalmood iyadoona la soo afjari doono jimcada foodda innagu soo haysa.

Dambiga lagu heysto heesaaga Mareykanka ayaa wuxuu soddonkii bishii Juun ka dhacay bartmaha magaaladda Stockholm, wixii markaa ka danbeeyay ayaa fanaanka iyo labada nin ee eeda kula jira lagu hayay ruumaanka si loo kala cadeeyo waxa ka runta ah eedeeymahaasi oo maanta dib u furantay.

Xigasho/kilde: SverigesRadio, laanta afka soomaaliga.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x