Sweden/Denmark: Dhalinyaro soomaali ah oo loo qabtay dilka wiilal soomaali ah

0
97

Booliska dalka Denmark ayaa sheegay in booliska Sweden ay dhawaan usoo gacan galin doonaan 18-jir Swedish ah oo lala xiriiriniyo dilka wiilal soomaali ah oo duleedka Copenhagen lagu dilay.

Dhacdadan ayaa dabo socoto dilkii bilowgii bishan duleedka Copenhagen loogu geystay labo wiil oo soomaali ah, kuwaas oo dilkooda loo adeegsaday qoryaha fudud iyo biskoolado, sida ay boolisku sheegeen. Halkan kasii akhri

Kala xiriir 45970350 ama booqo webkooda: Riix sawirka kore.

Booliska Denmark ayaa sheegay in baaritaankooda ay ku ogaadeen in ugu yaraan shan ilaa lix qof ay ka danbeeyeen dilka labada wiil ee soomaalida ah, waxaana ilaa hada gacantooda soo galay isku dar shan qof.

Afar kamid ah shanta qof ee ilaa hada ay Booliska qabteen ayaa asalkoodu yahay soomaali heysatao dhalashada dalka Sweden, iyada oo kan shanaadna la sheegay inuu qaraabo la yahay mid kamid dhalinyarada xiran.

Denmark iyo booliska Sweden ayaa si wadajir ah uga wada shaqeynayo kiiskan.

Wiilashada la dilay iyo kuwa dilkooda loo qabtay ayay boolisku sheegeen inay ka tirsanyihiin labo kooxood oo «gangi ah», kuwaas oo uu ka dhaxeeyo dagaal arxan daro ah.

Dhamaan wiilasha la qabtay iyo kuwa la dilay ee soomaalida ah ayaa da´doodu u dhaxeysaa 17 ilaa 23 sano.

Xigasho/kilde: 18-årig udleveret fra Sverige: Sigtes for dobbelt-mordet i Herlev.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments