Sweden: Booliska oo dilka wiilal soomaali ah la xiriiriyay kooxaha «gangiska»

0
159
Booliska Sweden

Isbuucii hore, waxaa duleedka magaalada Copenhagen ee caasimada Denmark lagu dilay labo wiil oo soomaali ah, kuwaas oo heystay dhalashada dalka Sweden.

Labadan wiil ee soomaalida ah ayaa da´ ahaan kala jiray 21 iyo 23 sano, waxeyna boolisku sheegeen inay ka tirsanaayeen kooxaha Gangiska ah ee ka dhisan magaalada Stocklom ee dalka Sweden.

Shirkada: Nala soo xiriir, waxaan ku siin doonaa hal saac oo aan kiiskaaga ku qiimeyno. Waxaa noo shaqeeyo shaqaale soomaali ah.

Booliska Sweden ayaa sheegay inay hada ka cabsi qabaan in fal aargoosi ah uu ka dhaco xaafadaha katirsan Stocklom ee kooxaha ay wiilashaas katirsanaayeen, iyo kuwo dilkooda lagu tuhmayo ay ku xooganyihiin.

Waxeyna boolisku sheegeen inay aad u badiyeen roondooyinka iyo wareega ay ku joogaan xaafadahaas, si looga hortago fal aargoosi ah oo dilka labada wiil la xiriira.

Booliska wadamada Sweden iyo Denmark ayaa iska kaashanaya baaritaanka kiiska dilka labadan wiil ee soomaalida ah.

Wiil kale oo soomaali ah, da´diisuna lagu sheegay 21 sano ayaa ilaa hada ay boolisku xabsiga u dhigeen falka dilka ah.

Xigasho/kilde: Svensk politi frygter hævnaktion efter dobbeltdrab i Danmark

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments