Sweden: Askari Trump u jawaabay oo bartiisa Twitterka hawada laga saaray

0
217

Madaxweynaha Mareykanka ayaa shaley bartiisa Twitterka kusoo qoray in dowlada Sweden uu ka codsaday in xabsiga laga sii daayo fanaanka ASAP Rocky.

ASAP Rocky oo ah fanaan u dhashay Mareykanka ayaa waxaa xabsiga dhigay booliska Sweden, iyaga oo ku eedeeyay xadgudub iyo jirdil.

Trump ayaa qoraalkiisa uu soo dhigay Twitterka ku sheegay in dowlada Sweden uu kala hadlay in fanaankaas uu cadaalad helo. Halkan kasii akhri warkaas.

Askari katirsan booliska Sweden, ayaa qoraalka Trump uga jawaabay barta Twitterka. Wuxuuna u sheegay inuusan kiiskaas soo dhexgalin maadaama uu yahay madaxweyne, uuna ku kalsoonaado nidaamka cadaalada Sweden oo kiiska gacanta ku hayo.

Askarigaas ayaa hada sheegay in bartiisas Twitterka ee uu Trump ugu jawaabay hada laga saaray. Walina uusan sharaxaad ka helin sababta arintaas keenytay iyo sida ay wax u dhaceen.

Xigasho/kilde: Svensk politimann svarte Trump – da ble kontoen hans sperret.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments