Su´aalo la iska weydiinayo dhimashada gabadhan yar ee soomaalida ah: Ma shil ayuu ahaa, mise dil cunsurino?

0
162
Foto: metropoliice sawirka: Shukri Abdi, 12-jirka soomaaliga ah ee geeriyootay.

Xigasho/kilde: BBC-SOMALI

Bulshada ku nool Bury, Lancashire iyo guud ahaan dhulweynaha Ingiriiska ayaa dalbanaya in xildhibaan James Frith iyo guddiga waxbarashada ee Bury, Lancashire ay baaran guddiga maamulka iskuulka Oak oo lagu eedaynayo inay ka soo bixi waayeen masuuliyadda ka saarnayd ardayda iyo inay ka hadli waayeen dhacdo la aaminsanyahasy in si cunsurinomo ah loo dilay gabar yar oo soomaali ah.

Codsigaan ayaa imaanaya kaddib markii gabadh Soomaali ah oo 12 sano jira ah, laguna magacaabo Shukri Yahya Abdi, meydkeeda laga helay webi ku yaala magaalada Manchester ee dalka Ingiriisk. Qoyska Shukri ayaa dalka Ingiriiska ayaa dalka Ingiriiska kusoo galay qoxootinimo.

Waxaa jira dad badan oo aaminsan in falkan uu la xiriiro «cunsurimo», iyaga oo dareenkooda ku muujinayay fariimo ay ku shaaciyeen baraha bulshada.

Booliska Manchester ayaa sheegay in dhacdadaan ay tahay «mid argagax leh», balse aysan jirin cid ilaa hada lagu tuhmayo inay ka danbeeyeen dilka gabadha.

Qoyska Shukri oo ku nool Bury ayaa sheegay in Shukri aysan aqoonin sida loo dabaasho, webiga agagaarkiisana aysan ku ciyaari jirin».

Adeerkeed oo lagu magacaabo Mustaf Cumar ayaa sheegay, «waxay ahayd gabadh wanaagsan, qof aan waxbo galabsan. Hooyadeed aad ayey u murugaysantahay.»

Sidoo kale waxaa baraha bulshada ka socdo olole xoogan oo lagu dalbanayo in baaritaan dhab ah lagu sameeyo dhacdada geerida gabadhan yar ee soomaalida ah, iyada oo dadku badankoodu ay tuhunsanyihiin inay jiraan dad ka danbeeyo dilkeeda, balse aysan boolisku wali soo qaban.

Xigasho/kilde: BBC-SOMALI

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments