Stavanger: Gudiga Muslimiinta oo codsaday in Magaca «Maxamed» laga fujiyo wado ay dadku maraan.

0
164
Magaca Maxamed oo ku qoran wado ay dadku maraan ee Stavanger

Gudiga ururka muslimiinta magaalada Stavanger ayaa codsaday in Magaca  «Maxamed» laga fujiyo wado ay dadku maraan oo kutaal bartahama magaalada Stavanger.

Muhammad Yunus ayaa ah aqoonyahan u dhashay dalka Bangladesh, kaas oo horey ugu guuleystay biladda nabadda ee Nobel Peace. Waxaana qoraal la socdo bilad maar ah(bir ah) oo magaciisa lagu sharfayo lagu qoray wado ay dadku maraan oo Stavanger kutaal.

XYS: Shirkada: Sharcigu xaqiisa ma siiyo qofkii aamusa, nala soo xiriir, si aan kiiskaga u dhageysano, talana kaaga siino. 45970350

Gudiga muslimiinta Stavanger ayaa sheegay in magaca «Maxamed» uu yahay mid barakeysan, Isla Markaana ku weyn dadka muslimiinta ah. Sidaas darteed ayay maamulka magaalada ka codsadeen in magacaas laga fujiyo wadada ay dadku maraan, magacaasna lagu dul socdo.

Summer Ejaz oo ah afhayeen u hadlay u gudiga ururka muslimiinta ayaa sheegay in dad badan ay ka fal celiyeen in magaca Maxamed kabaha lagula socdo.

 Bjørg Tysdal Moe oo ah ku xigeenka duqa magaalada Stavanger ayaa sheegtay in cabashada dadka muslimiinta ah ay u qaadanayaan si dhab ah, ayna u furanyihiin in arintaas wada hadal laga furo.

Xigasho/kilde: Muslimer mener deres profet tråkkes på i Stavanger.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments