Siyaasi dhalinyaro soomaali ah oo lagu sharfay xuska maalinta 22-Juli.

0
169
Foto: Faksimile/NRK

Shaley waxey taariikhdu ku beegneyd 8-guuradii kasoo wareegtay xasuuqii jaziirada Utøya iyo qarixii xarunta dowlada Norway.

Sanad walba waxaa maalintan oo kale wadanka oo dhan laga dareemaa murugada xasuuqaas galaaftay nolosha 77 qof. Kuwaas oo u badnaa dhalinyaro katirsanaa ururka dhalinyarada xisbiga shaqaalaha ee AUF.

Fawzi Warsame oo lagu sharfay xuska:

Fawzi Cabdirashiid Warsame oo ah gudoomiye ku xigeenka xisbiga AUF, qeybtiisa Oslo ayaa shaley lagu sharfay in magacyada dadkii ku geeriyooday xasuuqa uu kahor akhriyo xaruntii hore ee dowlada ee qaraxa lala beegsaday.

Fawzi ayaa magacyada dadkaas kahor akhriyanayay siyaasiyiinta iyo madaxda Norway intooda ugu miisaanka culus, sida Reysulwasaaraha Erna Solberg, Gudoomiyaha xisbga Ap, Jonas Gahr Større, xoghayaha Nato, Jens Stoltenberg, qoyska boqortooyada Norway iyo wasiiro iyo xubno kale oo katirsan dowlada.

Siyaasiyagan dhalinyarada soomaaliga ah ayaa sanadkii 2017 kamid ahaa liiska musharaxiinta xisbiga Ap ee Oslo, isaga oo sanadkana kamid ah liiska musharaxiinta xisbiga Ap ee golaha deegaanka Oslo.

Halkan ka daawo warbixinta SNTV ee xuska xasuuqa iyo maamuuska Fawzi.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments