Sen. Rand Paul: Ilhaan tigid ayaan u jarayaa, hadii ay Soomaaliya ku laabaneyso.

0
165

Senator Rand Paul oo katirsan aqalka sare ee dalka Mareykanka ayaa sheegay in uu xildhibaanad Ilhaan Cumar tigid u jarayo si ay Soomaaliya ugu labaato, una ogaato nolosha wanaagsan oo ay Mareykanka ku heysato.

Isaga oo raaciyay inay u mahad laheyd dadka Mareykanka, hadii ay mudo soo joogi laheyd Soomaaliya.

Hadalka Rand oo katirsan siyaasiyiinta garabka midig ee xisiga madaxweyne Trump, ayaa xoojinaya hadalkii hore ee Trump, kaas oo ahaa in xubnaha xisbiga Dimuquraadiga ah ee gobolka Minnesota ka soo jeeda iyo saddex gabdhood oo xildhibaanno ah ay «dib ugu laabtaan» halkii ay ka yimaadeen oo uu sheegay in ay yihiin «meelo ay colaado daashadeen».

Paul ayaa hadalkan ka sheegay waraysi uu siiyey warbaahinta Breitbart oo ah wargeys aad u xagjir ah, kana soo horjeedo islaamka, muslimiinta iyo soo galootiga.

Paul ayaa kamid ahaa dadkii difaacayay Trump, markii lagu eedeeyay inuu ku hadlay hadal cunsurinimo iyo isir naceyb ah. Wuxuuna markan sheegay in:

«Anigoon oranayn meel baan u diraynaa, haddana waxaan ku caawinayaa in aan tigid u gado si ay Soomaaliya u soo aragto, waxaan filyaa in ay wax ku qaadan doonto oo ay wax uun ka baran doonto muusiibada Soomaaliya ka taagan – ma jiro dastuur dadka siinaya xuquuqdii ilaahay siiyey, waxaana ka jira ku dhawaad toddobo qabiil oo 40-kii sano ee la soo dhaafay is dagaallayay», ayuu yidhi Paul.

«Waxaa fiicnaan lahayd in ay Soomaaliya xoogaa soo joogto, si ay u soo laabato ayadoo Maraykanka u mahadnaqaysa».

Afhayeenka Ilhaan Cumar ayaa ka gaabsaday in uu wax faallo ah ka bixiyo hadallada Paul.

Ka dib markii Axaddii ay bilaabatay in la isla dhex maro haddalladii Paul, ayaa Ilhaan Cumar waxay dib u sii baahisay qoraal uu Twitter-kiisa soo dhigay majaajillayste Tom Arnold oo u muuqday in uu tooshka ku ifinayey dhacdo ku saabsanayd xildhibaankan Jamhuuriga ka tirsan oo sannadkii 2017-kii uu soo weeraray qof dariskiisa ka mid ahaa.

Qoraalka ay Ilhaan Cumar sii baahisay ayaa caro ka dhex abuuray qolyaha muxaafidka ah, oo uu ka mid yahay wiilka madaxweyne Trump, Donald Trump Jr.

Xigasho/kilde: BBC-SOMALI

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments