onsdag, mars 27, 2024

Maanta: Xuskii 9-aad ee xasuuqii iyo maalintii murugada badneed ee 22-juli-2011.

Jens Stoltenberg oo hadal ka jeedinayo aaska Muno Cabdinuur

Maanta oo ay taariikhdu tahay 22-ka bisha luulyo, waxay ku beegantahay 9-sano guuradii kasoo wareegtay 22-july-2011, oo ah maalintii uu dhacay xasuuqii jasiirada Utøya iyo qaraxii aqalka madaxdooyada ee dowlada Norwey.

Labadaas dhacdo ay isku-dar ku nafwaayeen 77 qof oo intooda badan ahaa dhalinyaro ka tirsanaa ururka dhalinyarada  ee xisbiga shaqaalaha (AP).

Waxay ahayd maalin madow oo taariikhda wadanka looga aqoonsaday inay tahay dhacdadii ugu xumeyd ee Norwey ka dhacdo, tan iyo dagaalkii labaad ee aduunka. Waxay ahayd maalin jimce ah oo qoysas badan oo Norwey ku nooli ay waayeen xubno muhiim ah oo ka tirsan qoyskooda, waxayna ahayd maalin ay soomaalida Norway degan ay waayeen labo dhalinyaro talenti ah, oo noo soo kacayay.

Dhalinyarada Jaziirada Utøya ku geeriyooday waxaa kamid ahaa Allah ha u wada unaxariistee Muno Cabdinuur oo 18-sano jir ahayd iyo Ismaaciil Haaji Ahmed oo isna ahaa 19 sano jir.

Muno waxay ahayd siyaasi da´yar oo ka tirsan hogaanka ururka  dhalinyarada xisbiga shaqaalaha ee AUF, Halka Ismaaciilna uu ahaa hibo ciyaareed iyo heesaanimo, waxaana aad looga yaqaano magaalada Hamar ee gobolka Hedmark oo uu degenaa. Labaduba waxay sababsadeen gacanta xagjire iyo gacan ku dhiigle Andres Breivik oo ahaa  ninkii ka danbeeyay qaraxa iyo xasuuqaba. Waxa uuna hada kujiraa xabsi isaga oo lagu xukumay 21 sano, ayna u badantahay in uu xabsiga kusii jiri doono inta ka dhiman noloshiisa.

Sawirka kore riix, si aad u aragto khudbadii uu reysulwasaarihii Norway ee xiligaas, Jens Stoltenberg ka jeediyay aaska Muna Cabdinuur.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x