R.W Sweden: Majirto sabab Trump ugala hadlo kiiska fanaanka xiran.

0
150
R.w Sweden Stefan Löfven iyo Madaxweyne Trump

Reysulwasaaraha dalka Sweden Stefan Löfven ayaa markii ugu horreeysay ka hadlay dhaleeceeynta uu madax waynaha dalka Mareeykanka Donald Trump u soo jeediyay Sweden, kadib wadahadalkii ay labada hoggaamiye ka yeesheem a xaaladda fannaanka Asap Rocky.

Trump ayaa sheegay inuu ka xunyahay qaabka ay Sweden ula dhaqantay fanaankaas, isaga oo bartiisa Twitterka kusoo qoray in Sweden ay abaal ka dhac ku sameysay dadaalka uu Mareykanka u sameeyo dalkaas.

Kala xiriir 45970350 ama booqo webkooda(Riix sawirka kore)

Reysulwasaaraha Sweden ayaa dhankiisa sheegay ineysan jirin sabab isaga iyo Trump ay uga doodaan kiiska fanaanka xiran, wuxuuna sheegay in arrimaha cadaaladu ay yihiin kuwo ka madax banaan dowlada uu hogaamiyo.

Stefan Löfven ayaa sii raaciyay in warkiisu uu cadyahay, aysana jiri doonin wax isbadal ah uu ku imaan doono fikirkiisa. Wuxuuna sii sheegay in wax macno ah aysan soo kordhin doonin qoraalada uu Trump ku qorayo barta Twitterka ee dhaleeceynta u badan.

Maxkamada ka dhanka ah ASAP Rocky iyo labadda qof kale ee la socota ayaa talaaladada ka furmeysa Stockholm.

Xigasho/kilde: Idaacada Sweden SR ee afka soomaaliga

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments