Qaabkan ayay dadka ugu badan NAV lacag aysan xaq u laheyn uga qaataan.

0
128

Sida lagu sheegay tirokoob ay sameysay hey´adda NAV, waxaa sanadkii dacwad la xiriirta wax isdabo mari dhaqaale lagu soo oogai dad tiro ahaan gaaraya 968 qof, kuwaas oo ku eedeysan khiyaano dhaqaale oo loo geystay hey´adda NAV.

NAV ayaa sheegtay in sanadkii lasoo dhaafay ay dad aan xaq u laheyn siiyeen lacag qiyaastii gaareysa 165 milyan NOK.

XYS: Shirkada: Sharcigu xaqiisa ma siiyo qofkii aamusa, nala soo xiriir, 45970350 ama riix sawirka.

NAV ayaa sheegtay in qaabka dadka ugu badan ay dhaqaalaha aysan xaqa u laheyn ku qaataan, inay shaqo bilaabaan, isla markaana aysan kusoo wargalin hey´adda NAV ee dhaqaalaha siisa. Sidaasna uu dhaqaale uga soo galo labo meelood oo kala duwan, NAV iyo shaqada ay bilaabeen.

Nidaamka kaalmada dhaqaale ee Norway ayaa ku dhisan kalsooni ka dhaxeysa hey´addaha dowlada iyo shaqsiyaadka, waxeyna NAV sheegtay inay muhiim tahay in qofku uu soo wargaliyo hadii xaaladiisa dhaqaale ay wax iska badalaan.

Hey´adda Nav ayaa laftirkeeda lagu eedeynayaa in shuruucdeeda ay yihiin kuwo adag oo dadka qaar aysan fahmi karin. Taasna ay keento isfahan daro xaga sharciga ah.

Xigasho/kilde: SLIK SVINDLES NAV FOR TITALLS MILLIONER.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments