Norway: Waxaan ka digeynaa badbaadinta doomaha qoxootiga

0
82
Foto: Twitter-Jøran Kallmyr Wasiirka cadaalada Norway.

Dadka magangalyada soo weydiista Norway ayaa sadexdii sano ee ugu danbeeyay si aad ah hoos u dhacay, hadana dowlada Norway ayaa wali ka digeysa in la badbaadiyo doomaha qoxootiga ee maraya badda u dhaxeysa Libya iyo Italy.

Wasiirka Cadaalada Norway Jøran Kallmyr, ayaa sheegay in hadii dadka caadiga ah iyo ururada samafalka ay badbaadiyaan doomaha qoxootiga, ay keeni karto kor u kac ku yimaada tirada Qoxootiga Yurub.

Shirkada: Dhibaato xaga sharciga ah maku qabtaa Barnevernka, UDI-da, ama hey´addaha kale ee dowlada sida NAV. Nala soo xiriir, waxaad xaq u nahaan kartaa qareen lacag la aan ah.

Wasiirka ayaa sheegay in badbaadinta qoxootiga ay keeni karto in dad badan ay kusoo dhiiradaan soo galitaanka badda, iyaga oo ku xisaabtamaya in la badbaadin doono.

Wuxuuna raaciyay in dowladiisu ay ka walaacsantahay badbaadinta doomaha qoxootiga ah.

SV: Waa wax lala yaabo

Lars Haltbrekken oo katirsan xisbiga SV, kana mid ah xubnaha baarlamaanka Norway, ayaa hadalka wasiirka ku tilmaamay mid lala yaabo.

Wuxuuna sheegay in badbaadinta doomaha tahriibka, aysan keeneyn korarka tirada qoxootiga. Balse ay tahay badbaadinta dad u baahan gargaar deg-deg ah.

Xigasho/kilde: Justisminister Jøran Kallmyr (Frp) er bekymret for at private redningsaksjoner i Middelhavet kan lede til økt flyktningstrøm.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments