Norway oo EU-da ka diiday codsi dib u dajinta qoxootiga cusub.

0
98

Sida ay Wasaarada Cadaalada Norway u xaqiijisay wakaalada wararka ee NTB, dowlada Norway ayaa midowga Yurub labo mar ka diiday codsi la xiriira dib u dajinta qoxootiga cusub ee Yurub.

Gudiga midowga Yurub u qaabilsan qoxootiga ayaa labo mar Norway ka codsaday inay ka qeybqaadato dib u dajinta qoxootiga cusub ee laga soo badbaadiyo badda.

YXS: Shirkada: Kiisaska la xiriira UDI-da, Barnevernka, Nav, shaqada iyo guryaha, waxaad xaq u leedahay qareen lacag la aan ah.

Norway ayaa sheegtay inay rabto nidaam isku dheelitaran oo dhamaan wadamada Midowga Yurub u qeybinayo qoxootiga, intii wadamo gaar ah, si toos ah codsi loogu diri lahaa.

Wadamada Finland, Luxembourg, Portugal, Germany iyo Faransiiska ayaa horey EU-da uga ogolaaday codsiga dib u dajinta qoxootiga laga soo badbaadiyo doomaha badda u dhaxeysa Libya iyo Italy.

Xigasho/kilde: Norge sier nei til båtmigranter.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments