Norway: Dowlada oo lagu eedeeyay qaabka ay ula dhaqantay soomaali la tarxiilay

0
107

Isbuucii hore waxaa soo baxay war sheegaya in laanta booliska Norway u qaabilsan soo galootiga ee PU lagu ganaaxay lacag gaareyso 100.000 Nok, kadib markii lagu helay inay adeegsadeen awood aysan sharci u heysan.

Kiiskan ayaa la xiriiray nin soomaali ah oo booliska Norway ay sanadkii 2017 ka tarxiileen Norway, waxeyna boolisku tarxiilkiisa u adeegsadeen awood xad dhaaf ah, sharcigana aan waafaqsaneyn. Halkan kasii akhri kiiskan

Shirkada: Dhibaato xaga sharciga ah maku qabtaa Barnevernka, UDI-da, ama hey´addaha kale ee dowlada sida NAV. Nala soo xiriir, waxaad xaq u nahaan kartaa qareen lacag la aan ah.

Gudiga xuquuqul insaanka ee ururka ay ku mideysanyihiin dadka ka shaqeeyo xuquuqda cilmi nafsiga ayaa maqaal ay kusoo qoreen VG, walaac ka muujiyay qaabka ay boolisku ula dhaqmeen ninkaas soomaaliga ah. Waxeyna ku codsadeen in baaritaan lagu sameeyo xerada tarxiilka ee Trandum.

Sadexda qof ee gudigaas u hadlay ayaa maqaalkooda ku qeexay in nafsi ahaan iyo jir ahaanba ay aheyd qalad aad u weyn qaab ninkaas loo tarxiilay. Iyaga oo cadeeyay muhiimada in baaritaan dheeri ah lagu sii sameeyo kiisaska noocan oo kale ah ee ka dhaca xerada Trandum.

Halkan kasii akhri: Ulovlig maktmisbruk på Trandum

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments