Molde: Gabar 12 Jir soomaali ah oo geeriyootay: Khamiistii ayaa biyaha laga soo badbaadiyay.

0
143

Sida ay boolisku xaqiijiyeen axadii, waxaa axadii isbitaalka Oslo ku geeriyootay mid kamid ah labo gabdho walaalo ah oo khamiistii hore laga soo badbaadiyay biyaha biyo-xireenka «Inntaksdammen» ee magaalada Molde.

Gabadhan oo 12 sano jir aheyd ayaa diyaarada gargaarka deg-dega ah looga qaaday goobta uu shilka ka dhacay, waxaana markii hore la geeyay isbitaalk St. Olavs hospital ee magaalada Trondheim. Iyada oo markii danbena loo sii gudbiyay isbitaalka weyn ee Oslo.

Shirkada: Waxaad kiisas badan xaq u lahaan kartaa qareen bilaash ah.

Booliska ayaa war ay soo saareen habeenkii jimcaha ku sheegay in xaalada gabadha ay darantahay, balse aan wali xaqiijin karin.

Galinkii hore ee axada ayay boolisku ugu danbeyn xaqiijiyeen in gabadhaas 12 jirka aheyd ee ku geeriyootay isbitaalka. Ayna u geeriyootay dhaawacyadii kasoo gaaray shilka biyaha.

Booliska ayaa sheegay in ilaa hada aysan tuhmeyn fal danbiyeed, balse aysan ka hor dhici karin inta baaritaanka ay soo xirayaan.

Gabadhan iyo walaasheed ka yar ayay boolisku sheegeen in khamiistii laga soo badbaadiyay biyaha biyo xireenka «Inntaksdammen» ee duleedka magaalada Molde.

Booliska ayaa sheegay in gabdhaha aysan xiligaas xirneyn dharka loogu talagalay dabaasha, sidaas darteed aysan muuqan inay dabaal kusoo talo-galeen.

Iskuulka gabadha geeriyootay ay dhigan jirtay ayaa sheegay inay xus u sameyn doonaan gabadha 12-jirka ee kamid aheyd ardeyda iskuulka.

Sida ay NorSom News ka xaqiiqsatay soomaalida degan Molde, labada gabdhood ee geeriyooday ayaa ah gabdho soomaali.

Waxeyna gabadhan soomaalida ah noqon doonaa ilmihii sadexaad ee soomaali ah ee hal bil gudaheed u geeriyoodo shil dabaal ah ama biyo ku hafasho ah.

Xigasho/kilde: RB.NET: Jenta bekreftet omkommet

Nettavisen: 12 år gammel jente døde etter drukningsulykke i Molde.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments