Maxkamada EU-da: Denmark ma diidi karto in qoysasku dib u midoobaan

0
153
Mattias Tesfaye: Wasiirka soo galootiga Denmark.

Maxkamada EU-da ayaa go´aan ay soo saartay bilowgii bishan ku sheegtay in Denmark aysan sharci u haysan diidista qoysaska ay dadku ka joogaan Denmark, rabana inay dib u midoobaan.

Maxkamada ayaa go´aan ka gaartay kiiska haweenay u dhalatay dalka Turkiga, taas oo rabtay inay la midowdo qoyskeeda oo kunool Denmark.

Dowlada Denmark ayaa sanadkii 2009 haweenaydaas u diiday inay la midowgo qoyskeeda oo kunool Denmark, balse waxey kiiskeeda u gudbisay maxkamada midowga Yurub oo hada go´aan ka gaartay.

(XYS) Shirkada: Sharcigu xaqiisa ma siiyo qofkii aamusa, nala soo xiriir, si aan kiiskaaga u dhageysano, talana kaaga siino: 45970350

Dowlada Denmark ayaa diidmada haweenaydaas ku sababeysay in ninkeeda uu xiriir la adag la leeyahay dalka Turkiga, ayna fududahay inay Turkiga ku wada noolaadaan, intii ay Denmark ku midoobi lahaayeen mar kale.

14.000 codsi oo la diiday:

Denmark oo adeegsaneyso xeerkaas ayaa 15-kii sano ee u dhaxeysay 2003 ilaa 2018 diiday 14.000 codsi oo la xiriira qoysas raba inay dib u midoobaan.

Maxkamada EU-da ayaa hada sheegtay in xeerkaas uu yahay mid aan sharci aheyn.

Dowlada Denmark ayaa hada ka cabsi qabta in dib loo furo kumanaan kiis oo la xiriira qoysas raba inay dib u midoobaan. Kuwaas oo horey loogu diiday in la isku keeno.

Xigasho/kilde : Dansk innvandringspolitikk rystes i avgjørelse ved EU-domstolen onsdag. Kan utløse tusenvis av familiegjenforeninger Danmark til nå har avslått.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments