Ethiopian Airlines Oslo: Waxaan soo kordhinay duulimaadyada Gorowe iyo Boosaaso.

0
158

Maamulka shirkada diyaaradaha Ethiopian Airlines ayaa sheegay inay soo kordhiyeen duulimaadyada magaalooyinka Gorowe iyo Boosaaso ee Soomaaliya. Iyaga oo horey duulimaad joogto ah ugu tagi jiray magaalooyinka Muqdisho iyo Hargeysa.

Duulimaadyada cusub ee Boosaaso iyo Gorowe ayaa sida ay shirkadu sheegtay bilaaban doono 15-ka bishan July.

Ethiopian Airlines ayaa lix mar isbuuc walba duulimaad toos ah uga baxda magaalada Oslo. Wuxuuna qofka soomaaliga heystaa fursad uu lix mar isbuuc walba ku tagi karo magaalooyinka Muqdisho, Hargeysa, Boosaaso iyo Gorowe.

Tigidka shirkada diyaaradaha Ethiopian Airlines ayaa qiimo ahaan aad uga qiimaha shirkadaha kale ee tooska u taga Soomaaliya, wuxuuna qofku heleyaa xamuul labo jibaar ka badan kan shirkadaha kale.

Wixii faah-faahin ah ee ku saabsan xafiiska shirkada ee Oslo:

Tlf: 22 06 44 01

Webka: https://www.ethiopianairlines.com/AA/EN

Ama booqo Xafiiska shirkada: Øvre Slottsgate 6, 0157 Oslo

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments