Booliska: Waxaan gacanta ku heynaa kiisaska ku dhawaad 1000 qof oo inay aqoonsigeeda ka been sheegeen looga shakisanyahay.

0
115
Frode Hersvik oo booliska Bergen katirsan. Foto: Faksmile/TV2

Sida lagu sheegay warbixin uu shaley diyaariyay muuqaal baahiyaha TV2(Hoos ka daawo/akhri), booliska Norway, qeybtooda qaabilsan soo galootiga ayaa sheegay inay gacanta ku hayaan kiisaska ku dhawaad kun qof oo looga shakisanyahay inay ka been sheegeen aqoonsigooda shaqsiyeed, ayna sidaas ku heleen dhalashada Norway.

Booliska ayaa TV2 u sheegay inay ku wareersanyihiin in kiisaskaas aysan waxbo ka qaban karin hada, maadaama amar sanadkii hore kasoo baxay dowlada, booliska lagu inay joojiyaan ka shaqeynta kiisaskaas ilaa amar danbe.

Amarka dowlada ayaa dhankiisa daba socdo go´aan sanadkii 2017 kasoo baxay baarlamaanka Norway, kaas oo ku saabsanaa in go´aan ka gaarista kiisaska la xiriira kala noqoshada dhalashada Norway laga wareejiyo UDI-da, loona wareejiyo maxkamadaha.

Kala xiriir 4597350 ama booqo webkooda(Riix sawirka kore).

Baarlamaanka ayaa dowlada ku amray inay keenaan sharci badala, kan ay hada dowladu ku shaqeyso.

Dowlada ayaa wali ka dhankeeda ka caga jiideyso inay keento sharci maxkamadaha u fududeeyo, inay go´aan ka gaaraan kiisaska la xiriira kala noqoshada Dhalashada Norway. Waxeyna wali dowladu doorbideysaa in UDI-da loo daayo ka shaqeynta kiisaskaas, balse maxkamaduhu ay noqdaan kuwa go´aanka kama dambeysta leh.

Maxkamadaha laftirkooda ayaa ka cabanaya in hadii kiisaskaas loo soo wareejiyo uu imaan karo isfahanwaa iyo isku dhex yaac xaga kala xadeynta xuduudaha hey´addaha dowlada ah.

Wasiirka isdhexgalka ayaa sheegay in qeybtii koowaad ee sanadkan ay ka shaqeynayeen inay baaraan fursadaha ay heystaan ee ku saabsan sharci badalista arintan, waxuuna TV2 u sheegay in mar dhow ay soo bandhigi doonaan sharci kan hada shaqeeya badala.

Booliska ayaa sheegay in miisaskooda ay buuxiyeen kiisaska la xiriira ka been sheegista aqoonsiga qofka, waxeyna sheegeen inay filayaan in kiisaska noocaas ah ay sii kordhaan.

TV2 ayaa warbixintooda ku sheegay in kiisaska noocan ah ay ka bilowdeen kiiskii Mahad Abiib oo soomaalida Norway ay Aad u wada xasuustaan.

Xigasho/kilde: Tusen personer kan miste norsk statsborgerskap etter ID-juks.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments