Booliska Oslo: Waxey dhaceen saacado qiimahooda yahay malaayiin kr.

0
210

Nabo nin oo heysta dhalashada dalka Sweden ayaa shaley barqadii dhac ka geystay dukaan lagu iibiyo dahabka iyo alaabaha xaragada ee dahabka laga sameeyo.

Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay inay maqleen xabado ka dhacay gudaha dukaanka, xiliga uu dhacayay falka dhaca ah.

Booliska ayaa saacad kadib sheegay inay falkaas usoo qabteen labo qof.

Kala xiriir: 45970350 ama booqo webkooda(Riix qoraalkan ama sawirka kore).

Saaka ayay mar kale boolisku sheegeen in ragaas ay dukaanka ka dhaceen saacado qiimahooda uu kor u dhaafayo shan milyan oo kr. Waxeyna boolisku sheegeen in saacadahaas ay kasoo heleen goobta ragaas laga soo qabtay.

Booliska ayaa sheegay in labada nin ee falkan loo qabtay ay heystaan Dhalashada dalka Sweden, horeyna ay falal noon oo kale ah ugu geysteen gudaha Norway.

Xigasho/kilde: Gullsmedranere tatt med klokker til over fem millioner.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments