Booliska oo lagu ganaaxay awood sharci daro ah oo ay u adeegsadeen tarxiilka nin soomaali ah.

0
145

Booliska Norway, qeybtooda qaabilsan ajaaniibta ayaa lagu ganaaxay 100.000 kr, kadib markii lagu helay inay awood sharci daro ah ah oo xad dhaaf ah ay u adeegsadeen nin soomaali ah oo sanadkii 2017 ay Norway ka tarxiileen.

Booliska ayaa ninkan si qasab ah dhagaha ugu galiyay aalada maqalka dadka ka xirta, waxeyna madax u galiyeen koofiyad bir ah, iyaga oo koofiyada kula dhajiyay koolo, si ay uga xiraan meelaha banaan iyo afka koofiyada madaxa ee birta ah. Ninkan ayaa waxaa intaas u dheeraa inay katiinado uga xirnaayeen gacmaha iyo lugaha, dhabarkana uu suun katiinada la socdo uga xirnaa.

Shirkada: Nala soo xiriir, ama faal-faahin dheeri ah riks sawirka.

Qeybta booliska Norway u qaabilsan baarista danbiyada ay boolisku dhexdiisa galaan, ayaa unuga booliska u qaabilsan soo galootiga ku eedeeyay, xadgudub sharciyeed iyo adeegsida awood aan sharci aheyn, kaas oo lagula kaçay muwaadinka soomaaliga ah ee wadanka laga tarxiilay

Booliska ayaa sabab ka dhigtay in labo mar oo hore isku dayeen inay tarxiilaan ninkan soomaaliga ah, balse uu diiday inuu raaco, isaga oo adeegsanayo. Sidaasna ay labo mar ku baajiyeen tarxiilka ninkaas soomaaliga ah.

Waxeyna markii sadexaad oo ah marka ay awooda sharcidarada ah adeegsanayaan ku guuleysteen inay u tarxiilaan Soomaaliya, kana dajiyaan magaalada Muqdisho.

Booliska qaabilsan qoxootiga ayaa dhacdadan ku wargaliyay qeybta baarista, waxaana lagu canaantay in saraakiisha qaabilsan qoxootiga ee booliska ah, aan la siin tabalar ku filan iyo qeexida awoodadooda sharciyeed ee la xiriirta tarxiilka.

Booliska qoxootiga ayaa aqbalay ganaaxa lacageed ee la saaray, waxeyna raaciyeen inay ka fiirsan doonaa talaabooyinka noocan oo kale ah.

Xigasho/kilde: SE: Foretaksstraff til Politiets utlendingsenhet

ABC-NYHETER: Politiets utlendingsenhet får foretaksstraff for maktmisbruk.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments