Bergen: 7 qof oo ku eedeysan inay NAV ka khiyaaneen malaayiin kr

0
146

Sida uu qoray wargeyska Bergensavisen, isku dar 7 qof oo isku qoys ah ayaa maxkamada Bergen lasoo taagi doonaa dhawaan, iyaga oo ku eedeysan inay NAV ka khiyaaneen dhaqaale gaaraya malaayiin kr.

Nin 42 sano jirafa oo kamid ah dadka eedeysanayaasha ah, ayaa ku eedeysan inuu NAV si uusan xaq u laheyn uu uga qaatay lacag gaareysa 2,2 milyan kr.

Qareenka ninka 42-sano jirka ah ayaa sheegay in ninkaas uusan galin danbiga lagu eedeeyay.

Kala xiriir 45970350 ama booqo webkooda(Riix sawirka).

Xeer ilaalinta dowlada ee kiiska 7-dan qof kusoo eegeyso ayaa wargeyska u sheegay in eedaha dadka qaarkood ay ku lugleeyihiin inay NAV lacag ka qaadan jireen, iyaga oo shaqeynaya. Halka kuwo kalena ay mushaar ka qaadan jireen shirkad aysan ka shaqeyn.

Todobadan qof ayaa dhamaantood ku eedeysan inay NAV siiyeen macluumaad aan sax aheyn, sidaasna ay ku qaadan jireen dhaqaale aysan xaq u laheyn. Waxeyna dhamaantood kasoo jeedaan hal boys.

Maxkamada Bergen ayaa dhageysiga kiiskan bilaabi doonto 23-ka bosha September.

Xigasho/kilde: Til sammen sju personer er tiltalt for grov svindel mot Nav i Bergen.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments