Xildhibaan Maryan Xuseen oo labo dhinac uu weerar ka heysto.

0
102
Foto: Stortinget.no

Maryan Cabdi Xuseen oo ah siyaasad dhalinyaro soomaali ah, ayaa isbuucyadii tagay si kumeel gaar ah u aheyd xildhibaan katirsan baarlamaanka Norway. Iyada oo mataleysay xisbiga SV, oo ay golahiisa dhexe katirsantahay.

Kasoo muuqashada taariikhiga ee Maryan ay baarlamaanka Norway kasoo dhex muuqatay, iyada oo xiran xijaabka astaanta u ah dumarka aaminsan, kuna dhaqma diinta islaamka, ayaa waxey soo jiidatay indhaha warbaahinta Norway.

Warbaahinta Norwiijiga ayaa sodonkii maalmood ee ugu danbeeyay, waxey wax ka qoreen ama magaca Marian Hussein soo hadal qaadeen 62 jeer, sida Aad ka arki kartid programka wararka lagu baaro ee Opoint.

Weerar labo dhinac ah:

Siyaasidan dhalinyarada soomaalida ah ayaa waxaa warbaahinta ku heysto labo weerar oo ka imaanayo labo guruub oo kala ujeedo ah, balse wadaaga labadan waxyaabood: Yareynta ama dhimista awoodeeda iyo fikirkeeda siyaasiyinimo, iyo durista shaqsiyadeeda qof ahaaneed, diinteeda ama asalkeeda soomaalinimada ahba.

Warbaahinta caadiga ah, ayaa marka ay wax ka qorayaan Maryan, waxey aad ugu mashquulsanyihiin xijaabkeeda, diinteeda iyo taariikhdeeda. Waxeyna weydiinayaan su´aalo badan oo qaloocsan, aana mudneyn in qof siyaasi ah oo xisbi katirsan la weydiiyo.

Warbaahinta la wada akhristo ayaa marka ay Marian wax ka qorayaan, waxey meesha ka saarayaan ama aadan ka dhadhamin karin qoraaladooda, in Marian ay tahay qof siyaasi ah oo lamid ah siyaasiyiinta kale ee wadanka, isla markaana xanbaarsan fikir siyaasadeed oo iyada u gaar ah shaqsi ahaan ama xisbigeeda ay ku mataleyso.

Warbaahinta ay maamulaan kooxaha xagjirka midigta fog, ama webabka ay wax ku qoraan, ayaa iyagana isbuucyadii lasoo dhaafay si joogto ah wax uga qorayay Maryan. Iyagu waxey si toos ah oo aan gabasho laheyn wax uga sheegayaan shaqsiyada Maryan iyo xijaabkeeda, iyaga oo su´aalba ka keenayo in gabar muslim ah oo Maryan oo kale ah ayba noqon karto siyaasiyad, ama xitaa matali karta fikir ama xisbi siyaasadeed, Norway gudaheeda.

Waxaa intaas sii dheer fikradaha ay dadku ka bixinayaan qoraalada ku saabsan Maryan, oo qaarkood hanjabaad toos ah loogu jeedinayo iyada, halka qaarkoodna ay codsanayaan in la mamnuuco in qof xiran xijaabka uu Baarlamaanka Norway soo galo.

Wargeyska Dagbladet ayaa sheegay inuu ku qasbanaaday in Facebooga ay ka tuuraan wareysi qoraal ah ay ka qaadeen Maryan, kadib markii ay awoodi waayeen inay ka hor tagaan aflagaadada shaqsiyeed ama hanjabaadka tooska ah ee Maryan loo jeedinayo.

Wadadii Ilhaan Cumar:

Maryan ma noqoneyso gabadhii ugu horeysay ee soomaali ah ee siyaasi ka noqoto mid kamid ah wadamada galbeedka. Waxaa si fiican loo wada xusuustaa, Ilhaan Cumar oo bilowgii si joogto ah ula kulmi jirtay hanjabaad, aflagaado iyo wax ka sheegid joogto ah, balse u muuqatay mid kusii adkaaneyso weerarada warbaahinta, kana sii qaadeysay dhiirigalin iyo xamaasad dheeri ah.

Ilhaan ayaa hada ah xildhibaan katirsan aqalka sharci dajinta Mareykanka, waxeyna hada qoorta iskula jiraan madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ku xigeenkiisa iyo madaxda xisbiga madaxweyne Trump ee Republikaanka.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments