Wasiirka waxbarashada oo la wareegay qeyb kamid ah shaqada wasiirka cadaalada.

0
249
Foto: Twitter-Jøran Kallmyr Wasiirka cadaalada Norway.

Wasiirka waxbarashada iyo isdhexgalka, Jan Tore Sanner ayaa la wareegay qeybo kamid ah shaqada wasiirka cadaalada, Jøran Kallmyrs.

Arimaha la xiriira nidaamka dal kusoo galka «au pair», ayaa waxaa la wareegi doono wasiirka waxbarashada. Kadib markii ay soo baxday in wasiirka cadaalada ay gurigiisa ka shaqeyn jirtay haweenay aan wadanka ku heysan ogolaansho dal kujoog.

Haweeneydan ayaa Norway kusoo gashay ogolaanshaha loo yaqaan «au pair«, oo ah in qoys Norwiiji ah ay martigalin u fidiyaan qof raba inuu Norway ku noolaado mudo, si uu u barto dhaqanka iyo afka wadanka. Iyada oo qoyska qofka martigalinayo ay qofka ay martigalinayaan la galaan heshiis, ayna la socodsiiyaan laamaha socdaalka Norway. Wuxuuna badalka martigalinta qofkaas qoyska ka caawiyaa howlaha guriga, sida caruur heynta, dhaqmaha guriga iyo howl maalmeedka kale ee qoyska.

Haweeneydan ayaa ka shaqeynaysay guriga wasiirka cadaalada, iyada oo aan heysan sharciga ogolaansha dal ku jooga. Waxaana markii danbe wadanka ka tarxiilay hey´addaha socdaalka ee dowlada.

Maadaama wasiirka ay soo gashay arinta la xiriirta kiiskan, waxaa la sheegay inuusan dhex-dhexaad ka aheyn(innhabil) arimaha khuseeyo «Au Pair», sidaas darteed ayay dowladu go´aansatay in shaqadiisa qeyb kamid ah lagu wareejiyo wasiirka waxbarashada.

Xigasho/kilde: TV2.NO

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments